Wasiirka Difaaca Maraykanka “ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse…”

Washington (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha Maraykanku ay u xanibeen kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujinayso musuq maasuq baahsan oo ka dhex jirey hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.

Wasiirka Gaashaanhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka.

“Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay  in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi.”

Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo.

“ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.

Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika “Africom” aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.

AFRICOM waxa ay sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haysa ay yihiin kuwo ay ka go’antahay in ay dalka ka hir geliyaan nabad dhammaystiran isla markaasna ay ka go’antaahy Maraykanka in ay arrinkan ku garab siiyaan, laba laabaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com