Ilaalada Kulane Jiis oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalo ka tirsan Nabad-sugida, gaar ahaan ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ilaaladaan ayaa fasax la’aan uga dhoofi rabay garoonka, iyaga oo uu ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta kuna hubeysna qoryaha fudud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadan askari ay kamid ahaayeen illaa shan askari oo hoos tageysay Nabad-sugida qeybta guud ee gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan Cabdullaahi Kulane inay ilaaliyaan.

Ilaalada ka tirsan Duufaan ayaa waxay Xildhibaanka sii gaarsiinayeen sida wararku sheegayaan illaa inta uu ka helayo ilaalo Ciidan Boolis ah.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala-galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9-aad.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan ilaalada ka tirsan Duufaan ee la xiray, kuwaasi oo wararku sheegayaan inay safar u ahaayeen gobol.