28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Xildhibaan ku dhex geeriyooday garoonka Aadan Cadde kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow gudaha Garoonka Aadan Cadde ku geeriyooday Xildhibaan Cali Cumar Nuur oo ka tirsanaa Baarlamaankii Sagaalaad.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu Wadnaha Istaagay, waxaana la sheegayaa in xiligaasi uu kusii jeeday Safar Caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Geerida Xildhibaanka oo uu xaqiijiiyay Maareeye Ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde C/raxmaan Cawl, ayaa waxa ay timid, kadib markii uu wadnaha istaagay Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa la qorsheynaayay in dalka dibadiisa loo qaado saaka, balse inta aysan bixin diyaaradii lagu qaadi lahaa, ayaa wadnaha uu istaagay Xildhibaanka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka geeriyooday Cali Cumar Nuur, ayaa ka tirsanaan jiray Baarlamaankii 9-aad ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News