Ilhaan Cumar oo dacwo ka gudbisay askar fal xun kula kacay dad muslimiin ah

Washington (Caasimada Online) – Tiro xildhibaanno oo ay horkaceyso Ilhan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka, ayaa dacwo ka gudbisay ciidamada ka horta qaxootiga iyo kuwa canshuur qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo kadib markii ay dad muslimiin ah oo xabsi ku jira ku qasbay cunto hilib doofaar iyo raisin qurmay.

Xildhibaanadaan ay hoggaamineyso Ilhan Omar ayaa qoraal ay u gudbiyeen Waaxda Amniga Gudaha,waxay ku codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay muslimiinta maxaabiista ee xabsiga Miami ku jira.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Congress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson iyo mudaneyaal kale ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani aheyn wax aan la aqbali karin.

“Wax la aqbali karo ma aha in dad muslimiin ah oo ku jira xabsiyada qaxootiga lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar ama cunto xalaal ah oo quruntay. Arrintani waa khiyaanadii ugu dambeysay ee uu Trump ku sameeyay diinta, waxayna xasuusin u tahay bani’aadanimo xumada ka jirta xabsiyada ciidanka Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE). Maanta waxaan horseed ka noqday warqad loo diray Waaxda Amniga Gudaha, si tacaddigaas loo soo afjaro.”

Dad muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin xalaal ah oo qurmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay soo saareen Ilhaan iyo xildhibaannada kale ee ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Wakiillada.

Xildhibaanadaan qoraalka gudbiyay ayaa si gaar ah ugu eedeeyay maamulka Trump mas’uuliyada in dhacdadan laga soo tabiyay Miami ay ku biireysa falalka bani’aadannimada ka baxsan ee lagu sameynayo qaxootiga