KHILAAFKA boqortooyada Sacuudiga oo ka daray iyo MBS oo tallaabo qaaday

Riyadh (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa xilalka laga qaaday.

Wareegto kasoo baxday boqortooyada ayaa lagu sheegay in boqor Salman uu xilka taliyihii ciidamada isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen ka qaaday Amiir Fahad bin Turki.

Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Fahad, oo ahaa barasaab ku xigeen.

Labada amiir iyo afar sarkaal oo kale ayaa wajahaya baaritaan la xiriira “heshiisyo maaliyadeed oo shaki uu ku jiro” aoo ay ka sameeyeen wasaaradda gaashaandhigga, sida lagu sheegay bayaanka.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman (MBS), oo loo arko maamula dadban ee Sacuudiga, ayaa wada wax lagu sheegay dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda.

Hase yeeshee, dadka dhaliila ayaa rumeysan in xarigyada ka dhanka ah amiirada looga gol leeyahay in meesha laga saaro dadka uu arko inay caqabad ku yihiin.

Horraantii sanadkan, wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay in saddex amiir oo sare la xiray, waxaana ku jiray amiir la dhashay boqor Salman oo lagu magacaabo Ahmed bin Abdulaziz, iyo dhaxal-sugihii hore Mohamed Bin Nayef.