Kulan gaar ah oo garoonka Aadan Cadde uga socda Deni, Axmed Madoobe iyo Yamamoto

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland (Saciid Deni iyo Axmed Madoobe) iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ayaa labada masuul kusoo dhaweeyay garoonka Aden Adde International Airport, waana markii ugu horreysay uu Saciid Deni soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland.

Wararka laga helayo waxey sidoo kale sheegayaan in labada madaxweyne ay shir albaabada loo xiray VIP-da garoonka diyaaradaha kula leeyahiin Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u dalbaday in beesha caalamka ay ku lug yeelato heshiiska ay la galayaan dowladda dhexe, wuxuuna kulankaan muujinayaa in safiirka uu damaanad qaade ka yahay wadahadallada dhexmaraya labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland oo isku mowqif ah iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaan marka uu dhamaado ayaa la filayaa in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay kulan gaar ah la qaataan madaxweyne Farmaajo, halkaas oo la filayo iney kasoo baxaan qodobo ku saabsan heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan Doorashada.