ILHAAN CUMAR oo jawaab cajiib ah ka bixisay hadalkii yaabka lahaa ee Boebert

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

“Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.”

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen

“Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan.

Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilhan ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilmaantay mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata.

“Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola beegsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatarna ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaabtamo cidda tiraahda,” ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley.

Boebert ayaa todobaadkii hore dhaleeceyn xooggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan “kooxda Jihaad-ka” xilli ay ka hadlaysay congress-ka.

Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu horreeyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congress-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar.