27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ilhan Omar & Jamaal Cabdullahi oo isku haya tartanka Baarlamaanka dalka Maraykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibanad Ilhan Omar ayaa ku dhawaaqday inay u Taagan tahay Xubinta Xildhibanimo ee Kongareeska dalka Mareykanka iyadoo mataleysa degmada 5aad ee Minnesota.

Xildhibaan Ilhaan ayaa sheegtay inay qabto kalsooni ah inay kusoo bixi doonto doorashada, waxaana muddo 2 sano kahor loo doortey Baarlamaanka Gobalka Minnesota waxa ayna noqotey qofkii ugu horeeyay oo Somali ah loo doorto Baarlamaan Gobolka Minnesota.

Xildhibanad Ilhan Omar ayaa 2dii sano oo ay xilka ka heysa Aqalka Wakiilada ee gobalka Minnesota qabatey shaqo aad u tiro badan oo ay adagtahay in 2 sano lagu qabto.

Ilhaan Cumar oo gabar dhalinyaro iyo qaxooti ka tagtay Soomaaliya, kuna barbaartay xeyaha qaxootiga kadibna Mareykanka ka noqday golaha sharci-dejinta Minnesota ayaa haatan isu soo taagtay inay u tartanto Congress.

Sidoo kale, waxaa riyadaasi qaba nin Soomaali ah oo isna qaxootinnimo ku galay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Jamaal Cabdullahi.

Jamaal Cabdullahi, waxa uu Ilhan iyo 8 kale kula tartamayaa kursiga Congress.

Kursiga ay lababooda ku tartamayaan waxaa banneyn-doona Ellison oo 2006dii noqday qofkii ugu horreeyay oo muslim ah oo gala Congresska Mareykanka, waxaa ay dhammaantood ka tirsan yihiin xusbiga Democratska.

Tartantaka ay Ilhan galeyso ayaa waxaa isla markiiba taageero u muujiyay Bulshada Somaliyeed iyo in badan oo kamid ah bulshada dalka Maraykanka oo aad u soo dhaweeyay, waxeyna balan qaadeen iney taageero buuxda ay siin doonaan sanadkaan.

Geesta kale, Doorashada Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka ee sanadkan 2018 ayaa ah kuwo si weyn isha loogu hayo iyadoo in badan oo kamid ah Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ka cabsi qabaan inay dhumiyaan kuraasta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News