Ilhan Omar oo shaacisay in Trump uu masuul ka yahay dhimashada aabaheed

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “in dayacaad dambilenimo ah” oo uu sameeyey ay mas’uul ka tahay dhimashada aabaheed, oo cudurka COVID-19 u geeriyooday.

Ilhan oo wareysi siisay taleefishinka MSNBC ayaa tiri “aabahay iyo 300,000 oo shacab ah ayaa noloshooda waayey sababtoo ah dayacaad halis ah oo dambiilenimo ah oo ay sameeyeen Trump iyo maamulkiisa.”

“Aabahay waxa aheyd inuu halkan nala joogo maanta. In badan oo ka mid ah xubnaha qoysaskeena waxay ahayd in maanta halkan nala joogaan, balse nalama joogaan sababtoo ah waxaan leenahay hogaamiyeyaal aan kala jeclen noloshooda,” ayey tiri.

“Madaxweynaha illaa iyo maanta dhibic naxariis ah uma muujin dadkii geeriyooday. Illaa iyo hadda ma qirin khasaaraha ba’an ee in badan oo naga mid ah aan dareemeynoa” ayey hadalkiisa kusii dartay.

Ilhan Omar ayaa taageertay qoraal uu soo saaray agaasimaha aqlabiyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jim Clyburn oo sheegay inuu helo caddeymo muujinaya in maamulka Trump uu faro-gelin siyaasadeed ku sameeyey Xarunta Maareynta Cudurada ee CDC, taasi oo la xiriirtay cudurka COVID-19.

“Waan ku raacsanahay Clyburn. Balse waa inaan sameynaa intan ka badan. Waa in la baaraa oo la maxkamadeeyaa kuwa mas’uulka ka ah dhimashooyinkan,” ayey tiri.

Ilhan Omar aabaheed ayaa 15-kii June 2020 u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 67 sano jir ah.