Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Beddel Gaboose oo ahaa musharax si weyn ula loollamayay Axmed Madoobe, balse ay albaabadu kasoo xirmeen kadib doorashadii isu-caano-shubka aheyd ee ka dhacday Kismaayo ayaa soo hadlay xilli muddo ka badan lix bilood ah uu u xiran yahay hoggaamiyaha haatan ka taliya maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa daba-yaaqadii November ee sanadkii hore ayaa doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo guddigii uu u xilsaaray sheegen inuu mar saddexaad ku guuleystay madaxtinimada Jubbaland.
Gaboose iyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeday Madoobe ayaa markaas kadib dhankooda Kismaayo ku qabsaday doorasho, taasoo madaxweyne loogu doortay Ilyaas Beddel Gaboose.
Tan iyo markaas, Ilyaas ayaa dhibane u noqday cadaadis siyaasadeed, iyadoo lagu hayo xabsi-guri sharci darro ah. Ilyaas ayaa markii u horeysay soo hadlay maanta, isagoo ku adkeystay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland.
“Madaxweyenaha Jubbaland ee sharciga ah waaa aniga,” ayuu yiri Ilyaas Gaboose, isagoo sheegay inuu si sharci darro ah ugu xiran yahay Kismaayo, uuna sidii magafaha ugu afduuban yahay Axmed Madoobe.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan muddo 6 bilood ah guri ugu xidhanahay oo ciidamo wata gawaarida gaashaaman, oo Nabad-sugid, Daraawiish oo Boolis leh afarta koone nooga fadhiyaan, waad naga ra’yi duwan tahay oo keliya.”
Ilyaas ayaa sheegay in xarigga uusan keligiisa aheyn ee xabsiga guriga ay kula jiraan siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda Axmed Madoobe, iyo sidoo kale dhalinyaro yar-yar oo qasab loogaga hortaagan yahay qoysaskooda.
“Caafimaadka ma fiicno dad 30 dhan oo guri ku jira, oo musqulahooda aad garan kartaan, oo biyo nadiif ah sida ay u heli karaan garan kartaan, iyo sida ay u kala seexan karaan 30 qof oo guri aan ka badneyn 4-5 qol ku jira oo askar badan daadsan tahay.”
Waxa uu intaas kusii daray: “Hadda calaacal ma rabno, laakiin xaalad noocaas ah waa garan kartaan. Anagu waa afduubanahay, nin baa u afduubanahay oo wixii dadku lahaa oo ciidan ahaa ee la wada dhisanayay si qaldan u isticmaalay. Xaaladayadu sidaas weeyi.”