IMAARAADKA iyo Soomaaliya oo laba arrin iskula qaatay kulan ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmed Al-Rumaithi.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobbo kala duwan oo la xariira arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka.

Labada masuul ayaa isla meel dhigay in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaadihii El-nino saameeyeen iyo in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu’ga.

Safiirka ayaa wuxuu sidoo kale la wadaagay guddoomiyaha xogta la xariirta ceelal laga hirgalinayo deegaanno baahi biyood qaba, isagoo xusay in la soo gaba-gabeeyay wejiga 1-aad, lana guda-galayo wejiga labaad.

Guddoomiyaha SODMA ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa Soomaaliya ka taageera dhismaha ciidanka iyo tayeyntiisa, ayada oo labada dhinac ay hore u gaareen heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada.