Imaaraadka oo ilaalinaya xeebaha Somaliland xilli ay diiday shatiyada DF

Abu Dubai (Caasimada Online) – Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta ee la filayo in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan, ayaa lagu rakibi doonaa qalab taageeraya ilaalinta biyaha Somaliland, sida Imaaraadka Carabta ay sheegeen.

Waxaa sidaas lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week.

Warka ah in Imaaraadka ilaalinayo xeebaha Somaliland ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay uga digtay shirkado kalluumeysi oo ay shatiyo siisay dowladda Soomaaliya inaysan usoo dhowaan xeebaheeda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha June, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland, oo aan sharaxaad laga bixin.

Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda, ayna raadsan doonto taageero caalami ah.

“Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com