SOMALILAND oo JAWAAB kulul ka bixiyey hadalkii madaxweyne Saciid Deni

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo sheegay in Somaliland daan-daansi ku hayso Maamulka Puntland Xaduudihiisa.

Wasiirka wasaarada Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf Xawar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland marnaba gardareysaneyn cidkasta oo daris la’ah.
Xawar ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin Ciidan Somaliland xukumto oo xuduudaha Puntland ku xad-gudbay amase qalalaase ka sameyay.
“Deni waxaan umaleynayaa in uu ka hadlayo deegaano katirsan gobolka sanaag oo ciidamo naga joogaan oo xoojin ku sameynay. ” ayuu hadalkiisa sii raacayiyey Wasiirku.
Xawar ayaa maamulka Puntland ku eedeyay inay dhulkeeda nabadgelyo ku joogaan oo deganaansho ku siisay Maleeshiyad uu sheegay inay dhib iyo rabshad ka wadaan deegaanada Sanaag berri.
Xukuumda Somaliland ayaa ku sababeysay ciidankan xoogan ee ay geysay deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, inay ka difaaceyso dagaalo ay deegaankaas kusoo qaadan Maleeshiyadka uu hogaamiyo Kornayl Caarre, kuwaasi oo hore uga goostey Maamulka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com