Imaaraadka oo ku dhowaqay wada-shaqeynta ISRAEL

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisa ay Israel ka wada shaqeyn karaan arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka cudurka Coronavirus iyo teknoolajiyadda inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhaxeeyo.

Isaga oo ka hadlayey shirka Guddiga Yahuudda Mareykanka ee American Jewish Committee (AJC) ayaa wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash waxa uu sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu noqday mid muhiim ah, islamarkaana dhalinaya natiijo ka wanaagsan marinadii horey loo mari jiray

Anwar Gargash ayaa kulan su’aalo iyo jawaabo ah la yeeshay kooxda AJC, wuxuuna yimid maalmo kadib markii safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington uu codsi toos ah u jeediyey shacabka Israel, kaasi oo lagu daabay wargeyska ugu aqriska badan Israel ee Yedioth Ahronoth, oo lagu daabaco luuqadda Hebrew-ga.

Safiir Youssef Al Otaiba ayaa sheegay in Israel aysan fili karin xiriir ay la yeelatto dunida carabta haddii ay goosato qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.

“Khilaaf siyaasadeed ma igala dhaxeyn karaa Israel, aniga oo kala shaqeynaya xiriirka meelaha qaarkood? Waxaan u maleynayaa inaan sameyn karo,” ayuu yiri Gargash, oo horey u sheegay in go’aankii Carabta ee ahaa inaysan xiriir la yeelan Israel uu ahaa mid qaldan.

Waxa uu intaas ku daray in wada-shaqyenta ay Israel kala leeyihiin caqabadaha uu soo rogay COVID-19 aysan saameyneyn diidmada Imaaraadka Carabta ee ku aaddan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galbeed iyo arrimaha siyaasadda.

Israel wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama lahan dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay wadaagaan walaaca ay ka qabaan saameynta Iran ee gobolka, taasi oo keentay inuu usoo noolaado xiriir kooban oo ay yeeshaan.

Masar iyo Jordan ayaa ah labada dal ee Carbeed ee kaliya ee xiriir rasmi ah la leh Israel.

Bishii May, shirkadda diyaaradaha ee fadhigeedu yahay Abu-Dhabi ayaa duulimaadkii ugu horreeyey inta la ogyahay ku tagtay Israel, ayada oo gaargaar loogu talo-galay cudurka Coronavirus u sidda Falastiiniyiinta.