Imaaraadka oo lagu helay inay hub sharci darro ah ku gureen Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay Somalia usoo dirtay Markab siday Hub noocyo kala duwan leh.

Hubka ayaa la sheegay inuu isugu jiray kuwo Deeq iyo deeq ah, oo inta badan u socday dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladu ay ka go’day saadka Hubka.

Qoraal kusoo baxay wargeyska Middle East monitor ayaa lagu sheegay in xogta Hubkaasi ay heleen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia.

Wargeyska oo xiganaaya ilo ka tirsan Guddiga cunaqabataynta ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay ka talaabtay xadka iyo sharciyada lagu mamnuucay Hubka la geeya Somalia.

Guddiga cunaqabataynta Hubka ayaa dowlada Imaaraadka ku eedeeyay in Somalia ay u daabulaan Hubka noocyada kala duwan ee qaarkood halista galinkara rajada laga qabo dib usoo kabashada Somalia.

Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Somalia kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah, sida uu qoray Wargeyska isla markaana ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Guddiga.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hubka uusan aheyn keliya midka loo ogolyahay Somalia, balse ay jiraan macluumaadyo kale oo muujinaaya in Hubka lagu wareejinaayay Doonyaha ay ku jireen kuwo culus oo mamnuuc ka ah Somalia.

Waxaa lagu xusay warbixinta in Hubka uu Imaaraadka u iibkeenay Somalia uusan ugu horeyn kan, balse ay dhacday in muddo dhowr jeer ah ay Imaaraadku jabiyeen sharciga isla markaana Somalia u rareen Hub kala duwan, sida ku cad warbixinta Guddiga.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu daray in dowlada Imaaraadka carabta ay si xooli ah u dhiseyso Saldhiga Militery ee Barbara taa oo ka dhigan in la doonaayo in Hub farabadan lagu guro Somalia.

Dhinaca kale, Madaxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su’aal ku saabsan Hubka ay u raraan Somalia oo ay weydiisay Jariidada Middle East Monitor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com