Imaaraadka oo talo aan caadi ahayn oo ku wajahan Israel u jeediyey Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) –  Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel.

Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin.

“Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yiri.

Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel.

Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan.

Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro.

“Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri.

“Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash.

“Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash.

Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com