“Aamusnaanta waxa ay ka dhigan tahay raali ayaan ka nahay amni darrada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Abuukaate Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si adag kaga hadlay amni darada magaalada Muqdisho iyo sida ay ku suuro gasho in qaraxyada kasoo gudbaan meelaha qaar oo ciidamada dowaldda ay joogaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in meelaha gaadiidka lagu baaro ee ku yaala magaalada Muqdisho ay adag tahay in gaadiidka qaar oo masuuliyiin ay la socdaan inay ku adag tahay inay ka gudbaan, haddana qaraxyadii wali ay dhacayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xaafado horleh jidcadayaasha laga xiray, walina xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay u muuqato mid faraha kasii baxaysa, isaga oo sheegay inay muuqato in amaanka caasimada lagu fashilmay.

“Baraha ciidamada joogaan dadkeena masuuliyiinta ayay ku adag tahay meelaha qaarkood inay ka gudbaan, hadana waxaa dhaceyso in gaariga qaraxa wada uu soo gudbaa, wuuna dhacaa, hadana dadka waxaa loo sheegaa wax iska qiyaali ah”ayuu yiri xildhibaan Abuukaate.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in isbadal dhanka amaanka lala yimaadi, isaga oo sheegay in isla xisaabtan la’aanta qaraxyada iyo dilalka dhacaya ay u muuqato xukuumadda inay raali ka tahay waxa dhacaya, sida uu hadalka u yiri.

“Aniga koleey fikrad ahaan waxaan qabaa in istiraatiijiyadda amniga la badalo, ciidan xasilin ah ayaa horey loo keenay, malaayiin doolar ayaa lagu cunay, dad ayaa lagu dilay, qoryo ayaa lagu qaatay, haddana hal maalin ayaa lagu kala diray”.

“Aniga waxaan qabaa in dadka amniga ka shaqeyn jiray la keeno oo dadkii hore loo dhiibo, magaaladaan maxaakiimtii iyadoo aysan dhaqaalo heysan ayay amaan ka dhigeen, waxaase kasii daran Aamuusnaanto lafteeda raali ahaanshaha ayay kamid tahay, haddii qaraxyada dhacaya la iskula xisaabtameyn, dad loo ciqaabeynin, dad xilalka looga qaadeynin, marka waxaan qabaa in raali ay ka yihiin waxa dhacaya, waa in hanaan cusub loola yimaado”ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan Abuukaate.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo todobaadkaan oo kaliya ugu yaraan 7 qarax ay ka dhacday magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay dhimashada dad badan oo shacab ah iyo shaqaale dowladeed ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com