Xog: Agaasime loo haysto inuu lunsaday $450,000

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay Xabsiga kasii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed, oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan 450,000 oo dollar, kaasi oo damaanad lagu sii daayey.
Xubno katirsan wasaarada warfaafinta  Somaliland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi amar ku bixiyay ina laga wareejiyo Xasan Maxamuud agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Warfaafinta.
Xasan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa sanadkii 2012 lagu xidhay eedo musuq-maasuq, isagoo hanti-dhawrka guud uu ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo malaayiin dollar kula baxay, isagoo berrigaasna damaanad lagu sii daayey, isagoo si qarsoodi ahna uga baxsaday magaalada Hargeysa oo tagey dalka Itoobiya kadibna halkaas uga sii dhoofay dalka İngiriiska oo ay wakhtigaas ku sugneed Haweenayda uu qabo.
Agaasimaha maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud ayaa u muuqda masuul caadeystay wax is-daba marinta, kaasi oo markii labaad lagu xidhay arrimo musuq-maasuq, iyada oo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland ay ubixiyeen Xasan ‘Mashiinkii musuq-maasuqa’.
Dadka siyaasada dhaqaalaha falan-qeeya ayaa tilmaamaya iney dhiig bax ku tahay Somaliland in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud oo ay dul hooganeyso eedii ugu weyneed ee loo qabsado masuul ka tirsan dowladda Somaliland.
Sii deynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Warfaafinta, ayaa waxay kusoo beegmaysa xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaalan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhiga Ciise Xawar oo iyaguna ku eedaysan musuq-maasuq.
Xeerka la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, ma ogola in Masuul ku eedaysan musuq-maasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco, Sida uu Caasimada Online u sheegay Xeer illaaliyaha guud ee Somaliland.
Sikastaba, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinkii madaxtinimada, shacabka Somaliland ubalan qaaday inay xukuumadiisu daba jari doonto wixii musuq-maasuq ah, taasi oo ilaa hadda  bulshadu ay ka sugeyso in uu talaabo cad oo adag ka qaado Masuulkan iyo masuuliyiinta kale ee lagu haysto arrimaha musuq-maasuq.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com