Imaaraatka Carabta: “Ma dooneyno inaan iska hor-imaano Soomaaliya”

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dalkiisa uusan raadineyn inay iska hor-yimaadaan Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraatka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hase yeeshee Gargash ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

“Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” Ayuu yiri.

“Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo,” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta, oo uu soo xigtay wargeyska HAN.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo shalay ay Muqdisho ku kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee muddo dhex-mara xubno sare oo ka kala socda labada dal, tan iyo markii uu xumaaday xiriirkooda.

Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muuqda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale, kaasi oo la magacaabay lix bil ka hor.

Si kastaba, hadalka Gargash iyo kulanka Cawad iyo Al Hammadi ayaa muujinaya inuu jiro isku soo dhowaansho yar.