Imaaraat, Ethiopia, Eritrea iyo qorshaha Soomaaliya iyo Jabuuti lagu ciqaabayo

Dubai (Caasimada Online) – Isku soo dhowaanshaha Ethiopia, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaan ahayd wax si caadi ah ku yimid, balse waa siyaasad lasoo dhisay oo la doonayo in lagu dhaawaco Jabuuti iyo Soomaaliya, oo Abu Dhabi ay u aragto cadow halis ku ah.

Ayada oo ay jirto in Imaaraadka uu muran dekadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, saaxiibtinimada Abiy Ahmed iyo Imaaraadka ayaa dhaawici karta xiriirka Ethiopia la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo sida ay hadda wax u socdaan aan ku faraxsnaeyn.

Caasimada Online ayaa ka warhaysa in Soomaaliya, Jabuuti iyo Sudan aysan ku faraxsaneyn go’aanka deg degta ah ee Abiy ku ogolaaday in xayiraadda dhaqaale looga qaado Eritrea, taasi oo ay kasoo shaqeysay Imaaraadka Carabta.

Haddii Imaaraadka Carabta uu gacanta ku dhigo Eritrea oo dekado leh, iyo Ethiopia oo ah dalka uga ballaaran uguna awoodda badan Geeska Afrika, wuxuu si darran oo siyaasadeed iyo dhaqaaleba u ciqaabi karaa Jabuuti, oo ka baxday heshiiska ay la gashay shirkadda DP World iyo Soomaaliya oo diidan heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Dekadda Doraleh ee Jabuuti ayaa waxa ay si aad ah ugu tiirsan tahay dalka Ethiopia, oo 95% badeecadaha gala halkaas looga soo dejiyo. Sidaa darteed, Imaaraakda ayaa doonaya in badeecadahaas loo kala weeciyo dekadaha Berbera iyo Asssab, Eritrea, si dhaqaalaha Jabuuti dhulka loogu dhufto.

Marka ay noqoto Soomaaliya, Imaaraadka ayaa Ethiopia iyo mamaul goboleedyada dalka Soomaaliya u adeegsanaya inaysan xasilooni siyaasadeed ka dhicin dalka, si aysan Soomaaliya halis dhaqaale u noqon, maadaama ay aad uga weyn tahay Eritrea, ugana dekado badan tahay.

Ujeedka ugu dambeeyey ee Imaaraadka Carabta ayaa ah inay maamulaan dhammaan dekadaha iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee gobolka, si dekadda Jabal Cali ee Dubai oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka aysan halis u gelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com