Imaatinka Xasan ee Xamar iyo la-kulankii CC Shakuur maxaa ka dhaxeeya?

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan gudihiisa soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xassan Shiekh ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii 2017-da ku maqnaa Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara.

Hase ahaatee, waxa uu u muuqdaa mid hadda u soo jeystay dhaq dhaqaaq siyaasadeed in uu bilaabo iyada oo hore loo shaaciyey in uu hoggaamin doono kooxo badan oo dowladda mucaarad ku ah.

Maxaa isku soo beegay imaanshihiisa Muqdisho, la kulankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa?

Dhawaan ayey ahayd markii uu siyaasiga mucaaradnimada caanka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna looga adkaaday doorashadii 2017 ay isku arkeen Ankara, Turkiga.

Walow ay baraha bulshada ku shegeen in kulankoodu daarnaa is xog wareysi iyo isla darsidda siyaasadda dalka hadana waxaa si fudud looga dhadhansan karaa in ay ku soo heshiiyeen qodobkan.

IN XASSAN SHIEKH YIMAADO MUQDISHO

Waa qodob dhammaan dadka siyaasadda ku xeeldheer ay fahi karaan maadama Cadiraxmaan Cadbdishakuur ku fashilmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee uu ka bilaabay Muqdisho iyada oo sababtay xassilooni daro iyo in isaga la xiro.

Taas iyaga oo ka shidaal qaadanaya ayey isku soo afgarteen in Xassan Shikeh Maxamuud dardar galiyo dagaalka siyaasadeed ee lagu mucaaradayo dowladda hadda jirta maadama uu xasaanad leyahay; kow, uu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, laba, uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com