Meel ku sheeg afhayeenkii baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh?

Baarlamanka Somalia wuxuu ku jiraa maalmihiisii fasaxa, ma uusan fariisan mudo 100 cisho ka badan, inkastoo ay aheyd in xilligaan ka hor lasoo laabto hadana Xajka ayaa sii dheereyay fasaxa mudanayaasha Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu isagu wali ku jiro shaqadii xukuumadda ee uu xubinta ka ahaa.

Markii dib loogu laabto maalmihii Jawaari waxaa guddoonku uu qaban jiray shaqooyin gaar u ah Baarlamanta inta fasaxa lagu jiro si loo sii hormariyo howlaha iyo xirfada Baarlamanka, laakiin hada taasi ma muuqato. Mursal wuxuu hada xoogga saaraya arrimaha xukuumada, isagoo bilaabay galaangal dhanka awood qeybsiga ah, si kale markii loo yiraahdo in wasiiro laga dhigo xubno uu isagu wato oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Xubno ka tirsan Baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaan weydiinay hadii ay iska warhayaan guddoomiye Mursal waxaana ay sheegeen iney ugu war dambeysay isagoo dhinac kahaya shaqada xukuumadda.

Maalmo badan kadib gudoomiye Mursal ayaa la arkay isagoo tababar usoo xiraya ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu tababaray xarunta Turksom ee Muqdisho. Gudoomiye Mursal iyo Ra´iisul wasaaare Kheyre ayaa la sheegay iney wadaan qorshe lagu dhimaayo kulamada Baarlamaanka si aaney u suurto galin in xukuumada mooshin laga keeno.

Markii uu xilka qabtay Mursal ayaa laga filayey inuu isku keeno XIldhibaanadii ku kala tagay khilaafkii ka dhashay mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ee Is casilay balse waxaa muuqato inuusan arrintaas weli wax tallaabo u qaadin.

Fadhi ku dirirka Xildhibaanada Soomaaliya ayaa noqday “ Meel ku sheega Guddoomiye Mursal?!!”

Xigasho: Wargeyska Muqdisho Evening Post oo ah wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.