DF oo dekada Muqdisho ka mamnuucday arrin sanado dhaqan ka aheyd + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Somalia ay si rasmi ah xiliyada habbeenkii u fasaxday shaqeynta Dekadda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaaya amaro adag oo la duldhigay gaadiidka xamuulka ka qaada Dekadda kuwaasi oo sanadihii ugu danbeysay ahaa dhaqan.

Gaadiidka Dekadda ka shaqeyn doona 24saac  ayaa waxa ay DFS kusoo rogtay amar ah inaanu  banaanka Dekadda loo ogolaan doonin Gaari buuxa iyo gaadiidka dhamaadka ah.

Amarkan ayaa waxaa soo saaray Taliska Ciidanka Booliska, gaar ahaan Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidankaasi oo amar ku bixiyay inaan Dekadda ka dhex bixikarin gaadiidka waaweyn ee sida saa’idka ah loo raro.

Kulan maanta Dekadda Muqdisho ku dhexmaray Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa laga soo saaray amar ah inaan Dekadda uusan kasoo dhex bixikarin gaadiidka xamuulka ee sida aadka ah loo soo raray.

Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in waddooyinka Muqdisho aan lagu arag gaadiid sida rar xad dhaaf ah.

Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka ayaa sheegay in Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho ay  dhibaato aad u weyn ku hayan dadka shacabka iyo isku socodka gaadiidka kale ee isticmala waddooyinka.

Sidoo kale, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay iyo in Gaari waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo Jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay.

Gaadiidka rarka badan saran ee kasoo baxa Dekadda ayaa intooda badan ku rogmada Wadooyinka Muqdisho waxaana ka dhasha  qasaaro isugu jira naf iyo maal.