Xisbiga Soomaalida dalka Ethiopia oo doortay ninkii beddeli lahaa Cabdi Iley

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kadib shir maalmihii la soo dhaafay ka socday magalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa ugu dambeyn, waxaa shirkaas lagu magacaabay gudoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia.

Axmad Shide oo ah wasiirka Isgaarsinta ee Ethiopia, ayaa loo magacaabay xilkaas, isaga oo beddelaya madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.

Axmed Shide ayaa sii heyn doona guddoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia, xilli xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaano ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceen.

Isbedelka cusub ee uu la yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saameyn ballaaran waxa uu ku yeeshay dalka Itoobiya, iyada oo uu bilaawady dagaal u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com