Maxaa ka jira inuu is-casilay agaasimaha hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan baraha bulshada si aad ah looga hadal hayaa warar sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Xuseen Cusmaan uu iska casilay xilkiisa.

Warqad lagu muujinaayo is casilaada oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay tahay mid uu qoray agaasimaha, inkastoo ay u muuqato mid fake ah ama la been abuuray.

Qoraalka warqada oo ay caddahay inuu been abuur yahay islamarkaana aan fadhin ayaa waxa ay si toosa ugu soctaa Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, iyadoo lagu muujiyay sababta ka danbeysay dalabka Agaasimaha ee ku aadan Is casilaadiisa.

Warqada ayaa waxaa lagu xusay in sababta is casilaada Agaasimaha NISA ay tahay faragalin kaga imaaday dhanka Aggaasimaha madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin iyo nin magaciisa lagu sheegay C/llahi Aadan Kulane.

Warqada oo la sheegay inay tahay mid been abuur ah ayaa waxaa sameynteeda la xaqiijiyay inay ka danbeeyen dhinacyo aad uga xun shaqooyinka ay hayaan maamulka iminka gacanta ku haya NISA.

Warqada oo ay ku jiraan khaladaadyo dhowr ah ayaa waxaa sameynteeda kaalin weyn ka qaatay xubno iyagu ka didsan shaqooyinka Hay’adda kuwaasi oo dhaliilo badan ka tabanaaya dowlada hadda jirta.

Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa waxaa caado ka noqotay baahinta warqado been abuur ah oo lagu waxyeeleynaayo shaqooyinka Qaranka.

Hoos ka eeg warqadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com