23.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Imisa ayuu sanadka cusub gaaray mushaharka halkii dagaalyahan ee ka tirsan kooxda Daacish?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baahisay shabakada Al-jazeera ayaa waxaa lagu sheegay in hoos-u-dhac ballaaran uu ku imaaday dhaqaalaha maleeshiyaadka Daacish kasoo gaari jiray dhanka dibadda iyo gudaha Syria.

Dhaqaala xumida maleeshiyada ayaa la sheegay inay sabab u noqotay mushaar dhimis lagu sameeyay dagaalyahaanada Kooxda, kuwaasi oo ku kala sugan daafaha caalamka.

Al-Jazeera oo xiganeysa Khubaro ka tirsan Kooxda ayaa qortay in dagaalyahaankiiba mushaarkiisa lagu soo kooban 200 oo doolar oo keliya, halkii bilihii lasoo dhaafay musharka dagaalyahaan kasta uu ahaa 400 dollar.

Mushaar dhimistaani ayaa waxa ay saameyn xoogan ku yeelatay Dagaalyahaanada ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya

Hogaanka sare ee maleeshiyada ayaa qoraalka lagu sheegay in bil waliba ay usoo xaroon jirtay 40 milyan oo dollarka Mareynkanka ah, hase ahaatee dakhligaas uu imika hoos u dhac ku yimid, taasoo keentay in ururka mushaarka dagaalyahanadiisa hoos u dhigo.

Arrintaani ayaa waxaa lagu sifeeyay in maleeshiyada Daacish ay wajaheyso dhaqaala xumo, ka dib markii si ba’an loo duqeeyay ceelal shidaal oo bil kasta malaayiin dollar uga soo xaroon jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News