Imisa lacag ayaa sanadihii 2009-2014 soo gashay xawaaladaha SOMALIA (Ma aamineysid tiradan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu diyaariyay wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada DF Somalia Xusein A. Halane, ayaa waxa uu qoraalkiisa uga hadlay lacagihii xawalaadaha Kenya, Somalia, Ethiopia iyo Uganda soo galay inta u dhexeysay sanadihii 2009 ilaa iyo 2014.

Waxa uu sheegay in inta badan dhaqaalaha uu yahay mid ka imaan jiray dhanka qurba joogta, islamarkaana Dowladaha kor ku xusan ay kor u qaaday miisaaniyadii ay ku tashanayeen sanad waliba.

Xusein A. Halane waxa uuu tilmaamay in dadka qurbajoogta ah ee ka tagay wadamada Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Ugandha ay dhaqaale ahaan ka qayb qaateen dhinacyada dhaqaalaha, horumarka.

Waxa uu sheegay in dadka quurbajoogta dalalkii ay ka tageen iyo isku filaanshaha dhanka cunada ee qoysaska uu gaarsiisan yahay heerkii ugu sareeyay.

Sidoo kale, warbixinta qoraalkiisa waxa ay sheegaysaa in lacagaha xawaaladuhu ay caalam ahaan u dhigmaan 400 oo bilyan oo dollar sanadkii halka qaarada Africa ay lacagahaasi ka hesho 40 bilyan oo dollar sanadkii, sida uu ku xusay qoraalkiisa.

Qoraalka ayaa waxa uu sidoo kale ku xusay in Sanadkii 2014 Somalia soo gashay lacag dhan 1.3 -1.5 bilyan oo dollar.
Kenya waxaa soo gashay lacag dhan 1.4 bilyan oo dollar.

Ethiopia waxaa soo gashay lacag dhan 9.8 bilyan oo doolar.

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha xiliyadaasi uu ahaa mid ku socday xawaare saa’id ah, halka iminkana uu noqday mid hoos u dhacay, sababo la xiriira dhanka amaanka qaarada madow ee Afrika awgeed.

Dhanka kale, waxa uu rajo wacan ka muujiyay isbedelada ay sameynayaan xawaaladaha taasi oo muujineysa in Qaarada Africa ay ka kabsaneyso dhibaatada dhanka dhaqaalaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com