KAY, IGAD, EU iyo Amisom oo mowqif mideysan ka qaatay Khilaafka DF SOMALIA iyo Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul samaynta ee Jubba.

“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha geedi-socodka baarlamaan goboleedka Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba (IJA), laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha Golaha Barlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehanyihiin.

Guddiga Wasiirada ee uu Ra’iisal Wasaaruhu sameeyay isagoo ka wakil ah Dowladda Federaalka si uu uga tala bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah.

Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabadan muhimka ah ee horey loo qaaday. Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay waqti siiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha guddiga si ay hawshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray.

Iyadoo hadda la sameeyay golaha baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka Jubba, arrimahaas dhammaantoodana waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo.

Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com