Danjire Nicolas Kay oo dagaalkii Dhuusomareeb soo far-geliyey qaatayna go’aan aan laga fileyn

Nairobi (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa warbixin uu  soo saaray ka hadlay qabsashadii  Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo shalay ay la wareegeen garab ka mida Ahlusunna ee goboladda dhexe.

Kay ayaa qaatay go’aan aan laga fileyn oo aad uga fog dhex-dhexaadnimadii QM ee Somalia, markii uu Ahlu-Sunna ku amray inay isaga baxaan magaalada.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu si aad ah uga walaacay isbedelka ka dhacay Gobolka Galgaduud, wuxuuna ka dalbaday dhinacyada is haya  inay dhowraan heshiiskii bishii Maarso ee ay kala saxiixdaan degmada Guriceel.

“Dhinacyada waa inay ixtiraamaan heshiiskii xabad joojinta ahaa ee lagu kala saxiixay Degmada Guriceel 5-tii Maarso, 2015,” ayuu yiri Nicholas Key oo sii raaciyay: “Waa inay dhinacyada oo dhan ka fogaadaan falalka rabshadaha ah; ayna sida ugu dhaqsiyo badan ku xalliyaan is faham-waaga jira.”

“Waxaan ugu yeerayaa  Ahlusunna inay ka baxaan Dhuusmareeb, kuna laabtaan fariisimahoodii hore” Danjire Kay oo si toos ah ula hadlay kooxda Ahlu Sunna ee qabsatay Dhuusamareeb. Wuxuuna ka digay in koox waliba u adeegsato rabitaankeeda awood iyo hubwaxay halis ku tahay horumarka la taaban karo ee laga gaaray Maamullada dalka  dhismaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com