Xog: C/Weli Gaas oo Axmed Madobe kula taliyey in dadka kasoo jeeda Muqdisho iyo K/Galbeed…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo aad uga careysan mooshinkii lagu sharci darreeyey baarlamanka Jubaland ayaa waxa uu talo guracan u jeediyay hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida xubno ku dhow Axmed Madoobe ay sheegeen.

Madaxweyne Gaas oo arrinta baarlamanka sharci darrada ah ee Jubaland u bedelay qabyaalad, ayaa waxa uu Axmed Madoobe ugu baaqay in Baarlamaanka wax kama jiraanka laga dhigay uu ka saaro Xildhibaanada deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada uu maamulo Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo kuwa beelaha Hawiye ee dega Jubbooyinka.

Sidoo kale, Gaas oo xiriir la sameeyay Axmed Madoobe ayaa waxa uu usoo jeediyay in Kismaayo iyo deegaanada hoostaga uu ka musaafuriyo qoysaska deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbooyinka balse beesha Muqdisho ku heybta ah, waxa uuna farta ku goday in talaabadaasi ay tahay tan kaliya ee xanuunjin karta DF, sida xog gaar ah aan ku helnay.

Axmed Madoobe oo ka gaabsanaayo inuu sameeyo ficil sababi kara in Beesha Caalamka ay ka carooto, ayaa lagu soo waramayaa inuu ku gacan seeray talada uu usoo jeediyay C/weli Gaas oo ka dhex faa’iideysanaayo xurgufta ka dhex taagan Dowlada iyo Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ku andacooday in wax xiriir ah uusan ka dhexey arrinta DF iyo dadka kasoo jeeda beelaha Hawiye, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanada Koofur galbeed ee Somalia kana midka ah baarlamankiisa aysan wax shaqo ah ku lahayn dhibka taagan.

Geesta kale, C/weli Gaas ayaa isagu ku haminaya in DF Somalia ay wada xaajoodka ay la galeyso Jubbaland usoo marto Maamulka Puntland, hase yeeshee taasina waxa ay u muuqataa in Maamulka Jubbaland ay ka feejigan yihiin arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com