Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay siyaasada cusub ee Kenya la dheeleyso Somalia (DF oo huruda)

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adaga uga hadlay go’aanka ay Dowlada Kenya ku joojisay duulimaadyadii u kala gooshi jiray Somalia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in Kenya ay dooneyso inay sii wadato duulimaadyada qaadka si uusan uu nusqaamin dhaqaalaha kaga soo xaroon jiray, balse ay ku dhiiratay inay hakiso duulimaadyada caadiga ah, taasina aysan suuragali doonin.

Waxa uu sheegay in wax calaaqo ah aysan ka dhexeyn booqashada Madaxweyne Obama ee ku gaari doono Kenya iyo hakinta duulimaadyada Somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay in arrintaasi aysan aheyn mid carqalad u keeni karta dhanka amaanka balse ay jiraan sida uu aaminsan yahay Siyaasad kale.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inaysan suuragal aheyn in ilaa bisha July ay xayiraada sii saarnaato Shirkadaha duulimaadka ee isaga kala gudba Kenya iyo Soomaaliya, maadaama dad badan ay ku xayiran yihiin Garoomada Diyaaradaha labada dal, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, waxa uu ku baaqay in sida ay u joojisay Kenya dulimaadka dalka, looga joojiyo duulimaadka qaadka ee Soomaaliya soo gaara, waxaana uu sheegay in dowladda ay tahay inay ka jawaabto arrintaasi.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili maalinimadii Shalay Xildhibaano uu ka mid ahaa Xildhibaan Dalxa ay waayeen diyaarad ay u raacaan dalka Kenya, si ay uu gaaran shir ay uuga qeybgalayeen Magaalada Qahira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com