DOCUMENT sir ah: Wasaaradda caafimaadka DF SOOMAALIYA oo wax lala yaabay ay ka socdaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka ayaa kusii dhaceysa god dheer tan iyo intii loo magacaabay wasiirka cusub Xaawo Xasan Maxamed iyo ku xigeenkiisa iyada oo wax isdaba marin xadka ka baxday ay ka socoto maalmahan.

Waxaa haatan laga gooyay lacagihii ay deeq bixiyayaasha siin jreen Wasaaradda, iyada oo ay dowladda Ingiriiska oo ugu dambeysay ka joojiso wixii dhaqaale ah oo ay ku bixin jirtay caafimaadka dalka.

Waxaa aamin darrada jirta loo aaneynayaa deeq bixiyayaasha oo aan kalsooni haba yaraatee ku qabin Wasaaradda Caafimaadka kadib markii ay Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka ay faraha la galeen shaqooyinka hoose sida ku cad dukumentiga sirta ah ee aan helnay oo muujinaya in Wasiir Ku Xigeenka uu saxiixo wixii lacag ah ee ka baxa ama soo galaya Wasaaradda.

xaawoTaasi waxa ay xad gudub ku tahay sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo midka deeq bixiyayaasha oo dhigaya in agaasimaha Guud uu maamulo lacagta soo gasha iyo midda ka baxda Wasaaradda.

Waxaa kale oo ay muujinaysaa musuqa baahsan ee Wasiirrada ay ku hayaan dhaqaalaha soo galo Wasaaradda maadaama ay isku darsadeen hagidda siyaasadda Wasaaradda iyo maamulidda dhaqaalaha soo gala oo sharciyan xaaraam ah.

Sida ka muuqata Dukumentigan sirta ah ee aan helnay waxaa saxiixa maaliyadda lagu wareejiyay Cismaan Daalo oo ah Wasiir Ku Xigeenka. Xafiiska Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa arrintan la socda, waxaana la filayaa in isku shaandheyn dhawaan dhici doonta in xil ka qaadis lagu sameeyo labada Wasiir.

Arrimahan foosha xun ayaa sababaya habacsanaan iyo burbur ku yimaada Wasaaraddan oo lafdhabar u ah adeegyada bulshada dalka.

Waxaa kale oo ka mid ah macluumaadka aan helnay in agaasime Waaxeedyada lagu hayo caga jugleyn iyo hanjabaado haddii ay fulin waayaadna amarrada kasoo baxa Wasiirrada.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaan arrimahan la socon, wax tallaabo ahna ka qaadin, maadaama isaga laga rabo in uu daba galo lunsiga iyo xatooyada lagu hayo hantida qaran.

Document