Xog: Madaxweyne Xassan Sheekh oo dalacsiiyay Gen. Indho Qarshe (Maxaa iminka laga dhigay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogagaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dalacsiiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada millateriga oo ahaa Sareeye guuto uu dalacsiiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud isaga oo ka dhigay Sareeye Gaas oo ka mid ah Darajooyinka ugu sareeya Ciidamada.

Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa waxa uu weligiisba kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga tan iyo markii ay dhidibada u taagneyd Dowladii Dhexe ee Somalia oo uu xiligaasi hayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Sababta uu Xassan Sheekh ku dalacsiiyay Indha qarshe ayaa lagu sheegay inuu ku muteystay Howl karnimada uu muujinaayay inta uu xilka hayo.

Saraakiisha iyo Ciidamada DF ayaa Indha qarshe u arka inuu caqabad ku yahay Jiritaanka iyo Guulaha ay gaarayaan, halka Madaxweyne Xassan uu isaguna u arko Indha qarshe Taliye wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com