7 MUSHARAX oo ku midoobay shirka CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Maalintii shalay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa hishiis lix geesood ah ku gaaray ku dhawaad lix musharax oo ku sugan magaalada Cadaado, iskuna soo taagay xilka madaxtinimada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Musharixiinta hishiiska ku gaaray magaalada Cadaado ayaa waxaa kamid ah Axmed Macalin Fiqi, Cali Seeko, Dahabo Cuud iyo musharixiin kale kuwaasi oo dhamaantood sheegay iney midoobeen una midoobeen sidii wax loogu qaban lahaa shacabka gobolada dhexe.

Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiintaasi ay u midoobeen labo musharax oo kala ah Axmed C/salaan Xaaji iyo Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo ay kala wataan dowlada federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa la sheegay iney ka warhayaan ineysan heli karin xilka ay doonayaan laakiin ay doonayaan kaliya iney qalqal ku giliyaan doorashada la filayo iney dhawaan ka dhacdo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warra sheegaya in xildhibaanada lasoo xulayo ee dooranaya madaxweynaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya inta badan ay saaxiibo dhow la yihiin C/kariin Xuseen Guuleed.

Shacabka gobolada dhexe ayaa isha ku haya cidda kusoo bixi karto doorashada madaxweynaha maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com