Carmalada Cad oo geeraar u tirsay Osama (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online)-Boliska dalka Britain ayaa sheegay inay heleen qoraal ay Carmalada Cad u qortay Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laadin.

Warbaahinta Britain ayaa sheegay inay Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Boliska ay Dukumentigaas ka soo heleen Kombiyuutar ay lahayd Carmalladda Cad, oo laga helay dhismo ay ka deganaan jirtey dalka Kenya.

Samantha Lewthwaite “Carmalada Cad” oo ah Haweeneyda sida xooggan looga baadi-goobayo Caalamka ayaa la sheegay inay gabay ka kooban 34 sadar u tirisay Bin Laadin, kaasi oo ay ku muujisay jacaylka ay isaga u hayso “Samatha Lewthwaite’s love poem to Osama Bin Laden”.

Wargeyska Sky News ee dalka Britain ayaa helay nuqul ka mid ah Gabayga ay Carmalladda Cad u tirisay Usaama Bin Laadin.

Samantha Lewthwaite “Carmalada Cad” oo ay hooyo afar carruur leh ayaa qoraalkeeda ku muujisay inaysan jirin cid la mid ah Bin Laadin, waxayna sheegtay inay Alqaacida abidkeeda xoog lahaanayso.

Waxay ugu baaqday Muslimiinta kale inay guusha raadiyaan ilaa ay ka shahiidayaan.

Gabayda ay u qortay Hoggaamiyaha Alqaacida ayaa waxa uu Af Soomaali ahaan la micno yahay sidatan:-

Oh, Sheekh Usaama, aabahay, walaalkay,

Jacaylka aan kuu hayo la mid ma aha kuwa kale,

Oh Sheekh Usama, haatan ma saas baad ku baxday,

Muslimiinta waa inay ku soo toosaan inay mar kasta xoog leeyihiin,

Waan ogahay inaad joogto meel wanaagsan,

Ilaahaa ku siiyey wax qurxoon,

Annaga, waxaan u soo baxnay inaan wadno waxa aad bilowday,

Si aan u helno guusha ilaa aan ka shahiidno,

Inaan sii argagixino Kufaarta,

Ilaa Caalamka lagu maamulayo La Ilaaha Ila Laah,

Oh, Sheekh Usmaana maya, tani waa run,

Qalbigeyga ma heli doono nabad, ilaa ay Muslimiinta oo dhan sameeyaan,

Wax kasta oo aad lahayd, Ilaah ayaa u bixisay

Noloshaada waxay tusaale u tahay sida aan noqon doono,

Oh, Muslimiinkow dhegeysta Kalmadaha Sheekha aan jecel nahay,

Ha oggolaanin in halgankiisa iyo dadaalkiisa noqdonin kuwo aan la dhegeysan,

Dib-u-eega waxa uu bilaabay, halgama si aad u guuleysataan,

Markaasi waxay noqon kartaa inaan u kacaanbo wanaagga,

Oh, sheekh Usaama, adiga ayaa kaa masayrsanahay inaad noqoto kuwa ballanka rumeeya.

Ballanka waa run oo lama huraan ah haddii aan garanaynayo.

Ilaahay ayaa janno u ballan qaaday nolosha kuwa isaga rumeeyey,

Wxay u dagaalamaan Alle dartiisa, sidaa darteed wax bay dilaan, waana la dilaa

Ballanka muhiimka ee Alle waxaa lagu xusay Qur’aanka,

Yaa ka run badan ballanka Alle ?

Weydii ccadowgeenna inuu hadalkeenna yaraanayo,

Waxaad qoriga u qaaday si qaldan,

Alqaacida wey xoog badnaan doontaa mar kasta,

Ka fekerka dhamaadka, waxaad tahay doqon, marna ma dhici doonto,

Ilaa aan ka aragno dhulkeenna oo soo laabtay, laguna xukumayo awoodda Ilaaahay, oo uu sharcigiisa dhamaystiran yahay.

Sameyso qorshahaaga, isagaa ugu wanaagsan Qorshe-dejiyayaasha.

Waxaa turjumay Ustaad Nuuradin Abuukar Axmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com