Odawaa oo si degdeg ah ku gaaray Cadaado iyo khilaafka ergada shirka oo meel xun sii gaaray !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb gaaray Wafdi uu horkacaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia C/raxmaan Odawaa.

Socdaalka Wasiirka ayaa la xiriira Khilaafka u dhexeeya Gudiga farsamada shirka iyo Ergooyinka kaasi oo salka ku hayo qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka KMG ee uu yeelan doono Maamulka G/Dhexe loo dhisaayo.

Ergooyinka ayaa xalinta Khilaafkooda ku xujeeyay in Magaalada Cadaado uu soo gaaro Wasiir Odawaa, si xal looga gaaro Dastuurka laga mamnuucay inay faragalin ku sameeyan Ergooyinka Shirka.

Kulan habeenimadii xalay Cadaado ku dhexmaray Gudiga Farsamada iyo tiro Odayaal laga soo xulay Ergooyinka ayaa waxa uu ku dhamaaday fashil kadib markii Gudiga farsamadu ay kulanka la imaaden codsi hor leh oo aan u cuntamin Ergada.

Dhanka kale, Wasiir Odawaa iyo xubno ka socda Villa Somalia ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Gudiga Farsamada iyo Ergooyinka uu ka dhexeeyo muranka baahay waxaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi ay kasoo baxaan natiijo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com