Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhibaato iyo walwal uusoo wajahay Soomaalida tirada yar ee ku nool dalka Gambia, oo carqaladooyin siyaasadeed ka jireen maalmihii ugu dambeeyay.
Soomaalida ku nool dalkaaso oo lagu qiyaasay inaysan 100 ruux gaareynin ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan.
Dowladda Soomaaliya wax safaarad ah kuma lahan dalkaasi Gambia, waxaana Soomaalida ay ugu nool iyago oo ku heysta ganacsi.
Qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalkaasi oo aan ka badneyn 20 ruux ayaa kulan ku yeeshay magaalada Caasimada u ah dalkaasi.
Waxay kulankooda kaga hadlayeen ganacsiga ay ku leeyihiin dalkaasi iyo sida Soomaalida isaga warqabi laheyd, maadaama dalka maalmo kooban uu cabsi galay.
Madaxweynahii dalkaasi oo marka hore aqbalay natiijadii doorashada ayaa markii dambe ka hor yimid, walow hadda uu dalkaasi isaga tagay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

