Imran Khan oo xabsi lagu xukumay kadib markii lagu…

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib eedeymo musuq-maasuq oo uu beeniyay.

Maxkamad ku taal Islamabad ayaa ku heshay danbi ah inuusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyadaha dowladda.

Xaakimka ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxaana qareenkiisa Intazar Hussain uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ra’iisul wasaarihii hore laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore.

Dhanka kale Kooxda Mr Khan ayaa sheegtay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka.

Ninkan ayaa waxaa horay xukunka looga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenaayay doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto.

Khan oo 70 jir ah ayaa sidoo kale hoggaamiyey dibad-baxayaal kumanaan ah oo socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa magaalada caasimada ah ee Islamabad.