Maamulka Jubaland iyo midka DDS oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

Godey (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Jubbaland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan labada maamul.

Kulankan ayaa waxa uu si gaar ah u dhex-maray madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo booqasho ku tegay magaalada Godey iyo madaxweynaha is-maamulka Soomaalida Mudane Mustafe Muaxamed Cagjar.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb-galay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalaynta Maxamed Ibrahim Ogle, Wasiirka Amniga Yuusuf Xuseen Cismaan, Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Ahmed Baraki iyo qaar kamida masuuliyiinta Gobolka Gedo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay amniga xuduudaha, wadaagga khibadraha hay’adaha dowliga ah, sida lagu shaaciy qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha dowliga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la’iska kaashado dagaalka Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geysato labada maamulba.

Sayid Aadan oo madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Jubbaland ay xoogga saareyso sidii deegaannada ka maqan gacanteeda dib usoo ceshan lahayd gaar ahaan Jubbooyinka.

Waxa kale oo uu madaxweyne Cagjar u sheegay in uu socdo dhaq-dhaqaaq culus oo ku aadan dardargelinta wajiga labaad ee la dagaalanka Al-Shabaab oo haatan bilaabanaya

Wada-hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay Jubbaland dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobolka Gedo oo ugu dambeyn si buuxda ugu soo gacan galay.