Qiyaanadii qarniga: In DF Soomaaliya ay iibisay badda, ha kuugu caddaato documents-kan

Muqdisho (Caasimada Online) – Boobka Kenya ee badda Soomaaliya, waxaa soo billaabay Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo dowladda Kenya la saxiixday heshiis is-afargard, 7-dii April ee 2009, heshiiskaas oo Kenya u saamaxayey inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Heshiiskaas waxaa diiday baarlamankii KMG ahaa 1-dii August ee 2009, waxaana go’aanka baarlamanka loo gudbiyey QM oo aqbashay.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged.pdf”].

Sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa mowqif adag ka istaagay arrintan, isaga oo warqad uu u diray QM ku adkeystay in heshiiskiii xukuumaddii hore ee Cumar C/rashiid ay gashay 2009 uu yahay waxba kama jiraan, kana dalbaday UNCLOS inaan marnaba lagu sii hayn diiwaanka QM.

Eeg warqadda hoose, si gaar ah meelaha ku calaamadeysan midabka jaalaha

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-3.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-4.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-5.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-6.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-7.pdf”]

Arrinta badda ayaa mar kale dib usoo cusboonaatay, kadib markii Xasan Sheekh ay dowladda Norway ka dhaadhicsay in dib loo soo magacaabo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo qaar ka mid ah shaqsiyaadkii fududeeyey heshiiskii hore ee badda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa waxa ay shacabka u sheegeen inaysan jirin bad ay ka iibinayaan dowladda Kenya, waxaana dowladda Soomaaliya ay gudbisay dacwad la geeyey maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, balse arrinta naxdinta leh ayaa ah waxa daaha gadaashiisa ka socda ee laga qarinayo shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online, ayaa heshay documents ay dowladda Soomaaliya ay u gudbisay QM oo muujinaya sida ay dowladda Kenya ugala shaqeeneyso inay cabirato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa ka dhex helnay laba qodob oo xasaasi ah oo si cad u muujinaya qiyaanada dowladda Soomaaliya iyo sida shacabka Soomaaliyeeda been loogu sheegayo.

1 – Qodobka koowaad ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay guddiga UNCLOS ee xeerka badaha ee QM ugu sheegeysaa in uu ka fogaado inuu wax tallaabo ah ka qaado isku dayga Kenya ay dib ugu xadeeneyso xad badda ee labada dal. Waxaa xusid mudan in baarlamankii hore ee Soomaaliya markii uu diiday heshiiskii 2009 uu ka codsaday UNCLOS inuu ka hor-istaago Kenya inay dib u xadeyso xadka badda ee labada dal.

Sidaa darteed ayaa dowladda Soomaaliya waxay qoraalkan cusub ugu sheegeysaa UNCLOS inuusan wax tallaabo ka qaadin Kenya, taa beddelkeedna ay dowladda Soomaaliya leedahay, “Innaga ayaa wada hadal ku dhameesaneyna arrinta”. Hoos ka arag qoraalka.

Screen Shot 2015-07-30 at 2.56.56 PM

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-1.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-2.pdf”]

2 – Qodobka 2-aad waa kan ugu yaabka badan. Qoraalkan waxa ay dowladda Soomaaliya gudbisay taariikhda marka ay ahay July 15, 2015, waana laba maalmood kadib markii ay dowladda Soomaaliya gudbisay dacwadda maxkamadda ICJ. Qoraalkan ayaa waxa uu ah Amended “Qoraal hore loo gudbiyey, balse wax ka beddel lagu sameeyey”

Qeyb ka mid ah qoraalkan ayay dowladda Soomaaliya ku tiri sidan:-

“Dowladda Soomaaliya waxa ay go’aan ku gaartay in guddiga UNCLOS uusan caqabad ku noqon, ama uusan dib u eegis ku sameynin sida ay Kenya usoo gudbisato qariida badeedka”.

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-8.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/07/Somalia-Kenya-Maritime-Dispute-1-dragged-9.pdf”]

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu sabtida tago dalka Kenya, waxaana xogta Caasimada Online ay sheegeysa in heshiisyo qarsoodi ah oo dhinaca badda ku saabsan uu la geli doono Uhurru Kenyatta.

Waxaa sidoo kale Caasimada Online ay heshay warqad sir ah oo muujineysa in dowladda Soomaaliya ay safiirka u fadhin doono QM u magacwoday Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan Cabdisharkuur waa ninkii saxiixay heshiiskii ugu horreeyey ee badda sanaddii 2009, markaasi oo uu ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Halkan ka arag

cabdiraxman-cabdishakuur

Waxaa cad in dhammaan dadkii iibiyey badda Soomaaliya xilal loo wada dhiibay, oo dib loo soo celiyey, ayada welibana la fariisiyey meelaha ugu muhiimsan ee heshiiska badda lagama maarmaanka u ah.

Tusaale:

1- Cumar C/rashiid, waa ra’iisul wasaare, waxaana uu guri weyn ku lee yahay dalka Kenya, sidaa darteed heshiis kasta oo badda ku saabsan waa loogama maarmaan, waana taas sababta dib loogu soo celiyey xil uu ku fashilmay.

2- Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa loo magacaabay safiirka QM, sidaa darteed heshiiska kasta oo ay kala galaan Somalia iyo Kenya, isaga ayaa kasii dhameynaya QM. Waxaa yaab leh in isagana sidoo kale dhowaan guri weyn uu ku yeeshay Kenya.

3- Guddoomiyaha baarlamanka Jawaari waxa uu haystaaa dhalashada Norway, sidaa darteed lagama yaabo in heshiis kasta oo dhaca uu baarlamanka diido. Norway waa dalka Kenya ka caawinaya boobka badda Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh dhowr guri ayuu Kenya iyo Tanzania ku lee yahay sidoo kalena waxaa loo ballan qaaday in laga caawin doono in dib loo soo doorto 2016.

5- Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaam Hadliye, isna waxa uu guri weyn ku lee yahay Kenya, kamana horiman karo heshiisyada ceynkan ah.

6- Faarax C/qaadir waxa uu haystaa baasaborr Kenyan ah, waxa uuna ganacsiyo waa weyn iyo guryo ka sameystay Nairobi.

Sidaa darteed dhammaan xubnaha ugu awooda badan dowladda Soomaaliya, waxa ay ku wada xiran yihiin Kenya iyo Norway ama waxa ay hanti ku lee yihiin Kenya. Soomaaliya Allaa u maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com