Wasiir Ceynte oo sheegay qaabka ay xukuumadu ku dooneyso inay ku qabato doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayo dib u dhaca doorashada dalka ku yimid ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte.

Wasiir Ceynte ayaa sheegay in dhawaqa shacabka uu xiligaani u badan yahay arrimaha la xiriira doorashada dalka waxa uuna sheegay in DF ay diyaar u tahay qabashada doorasho xalaal ah.

Waxa uu tilmaamay in DF Somalia ay iminka ka fikireyso qaabka ugu sahlan ee uu dalka uga dhici lahaa doorasho, mar hadii aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Ceynte ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay ka arrinsaneyso sida shacabka Soomaaliyeed looga qeybgalin lahaa doorashada dalka, waxa uuna cadeeyay inay isla arkeen in dantu ay tahay mid ku jirta talada shacabka Soomaaliyeed.

Mar uu arrintaasi uga waramaayay mid kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayuu yiri “Qaabka lagu dhaqangalin karo doorashada waxaa lagala tashan doona Hay’adaha dastuuriga iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada”

Wasiirka ayaa tilmaamay inay Xukuumadu ay u guda gashay wadooyinka suuragalinkara dhicida doorashada.

Haddalka Wasiir ceynte ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay DF Somalia ku dhawaaqday in dalka uusan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com