Ahlu-Sunna oo si cajiib ah kaga hadashay shirkii Muqdisho kusoo idlaaday si cadna u sheegtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaa si adag kaga hadlay shirkii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee looga hadlayay qorshaha Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku tilmaamay inuu luggooyo yahay.

Sheikh Cumar Sheikh C/qaadir, oo kamid ah saraakiisha Ahlu sunna ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn waxyaabaha kasoo baxay shirka ka dhacay magaalada, isagoo sheegay in dhankooda aysan jirin cid kaga qeyb gashay shirkaasi.

Wuxuu soo hadal qaaday qaar kamid ah qodobada kasoo baxay shirka muddo labada maalin ka socday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay ineysan marnaba aqbalsaneyn waxyaabaha guud ahaan shirka kasoo baxay.

“Hishiiskaasi waan maqalnay oo Idaacadaha ayaan ka maqlay, mana ahan arin dhagaha dadka Soomaaliyeed xiiso geliyay, wax wanaagsanna lagama sheegin dadkaasi waxay qabtaan luggooyo ayaan u aragnaa shirka Muqdisho, waa wax arin sii fogeyneysa oo isku soo dhawaansho ma keenayaan, haddana doorashada ayaaba la yiri maba dhaceyso”ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay ineysanba aqoonsaneyn dowlada Soomaaliya iyo maamulkii dhawaan laga dhisay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ahlu sunna ayaa dhankeeda waxaa ka dhex taagan khilaaf sababay iney labo dhinac u kala jawaab, kuwaasi oo qaarkood maamul la magac baxay gobolada dhexe ku sameystay magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimad@live.com