Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad oo ka hadlay xiisaha siyaasadeed ee iminka ka jira Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee iminka ka jira dalka Soomaaliya, kana dambeeyay kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in dalka iminka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod.

C/qaasim, ayaa sheegay in xiligan haddii aysan dhici karin doorashadii lagu balansanaa ay muhiim tahay iney wadahadal wada galaan dowlada Soomaaliya iyo xisbiyada kala duwan, iyadoo laga qeyb galinayo waxgaradka Soomaaliyeed si xal looga helo qaabka ay  doorasho kaga dhici karto dalka Soomaaliya.

“Waxay ila tahay iney wadahadlaan dowlada Xasan iyo xisbiyada ka jira dalka, oo hishiis buuxa wada gaaraan, arimaha Soomaaliya ma ahan wax ay dowlad kaliya leedahay oo Soomaali dhan ayaa leh waxaan leeyahay waxii lagu hishiiyo  wax ma dhibaan”ayuu yiri C/qaasim.

Waxaa wax laga weydiiyay C/Qaasim Salaad Xasan, qaabka ay haboon tahay in doorasho ay kaga dhacdo dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha uu shaqsi ahaan soo jeedin lahaa.

“Aniga waxaan taageerayaa waxii ay ku hishiiyaan dowlada Soomaaliya iyo waxgaradka Soomaaliya oo laga talo siiyo marxalada hadda jirta ee Soomaaliya, lagana shaqeeyo danta ummada Soomaaliya, mana ahan in cid walbaa ay tiraahdo kursiga aniga ayaa iska fadhinaya”.ayuu hadalkiisa kusii daray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com