Go’aan ka farxiyay dowladda SOOMAALIYA iyo shacabka oo kasoo baxay dowlada Talyaaniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Rooma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Maxkamad ku taala dalka Talyaaniga ay go’aamisay in Dhismaha Safaaradda Somalida Roma dib loogu celiyo gacanta DF Somalia.

Maxkamada ayaa go’aankaasi soo saartay kadib markii muran xoogan uu ka taagnaa dhismaha Safaarada oo gaaray heer shaki la galsho lahaanshiyaha dhulkaasi, ka dib markii Diblomaasiyiin Somaliyeed ay ka kireeyen ganacsato dalkaasi u dhalatay.

Dib usoo celinta dhismahaasi ayaa yimid kadib markii Diblomaasiyiin u dhashay dalka Somalia oo ku dhaqan magaalada Rooma ay qabsadeen qareeno, iyagoona dacwad ku soo oogay ganacsatada dalkaasi u dhalatay ee xili hore kireystay dhismaha Safaarada.

Dood dheer kadib ayaa waxa ay Maxkamadu dhismahaasi u xalaaleysay DF Somalia oo iyadu iminka dib ugu soo laabtay Siyaasada Caalamka, waxa ayna Maxkamadu is hortaagtay qorsho ahaa in Ganacsatadaasi ay dhismaha ka dhistaan Hoteel ballaaran oo ay degaan dalxiisayaasha.

Amb. Muuse Xasan Sheekh oo iminka ah Danjiraha DF Somalia ugu magacaaban dalka Talyaaniga, ayaa shaaca ka qaaday in Khamiistii shalay uu dib ula wareegay furihii Safaaradda, islamarkaana ay ka taaggeen Calanka Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Danjire Muuse Xasan Sheekh waxa uu farta ku goday in dhismaha Safaarada uu xalaal u yahay Dowlada Somalia, islamarkaana looga baahan yahay inay xafidato dhismaheeda.

Dhanka kale, dib usoo celinta dhismahaani ayaa imaanaya iyadoo tan iyo markii ay curatay sanadii 2010-ka ay DF Somalia dib ula soo laabatay dhowr Safaaradood oo xili hore ka baxay gacanta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com