SAWIRO: Beelihii dhowaan ku dagaalay gobolka Shabellaha dhaxe oo Muqdisho lagu heshiisiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay uu dagaal culus dhexmaray Beelo walaalo ah oo ku Dagaalamay Degmooyinka Balcad Iyo Warshiikh ee Goballada Sh/Dhaxe, ayaa waxaa arrintaasi heshiis looga gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulan u dhexeeyay Beelaha wada dagaalamay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Odayaal iyo Culimo farabadan oo iyagu heshiis nabadeed ka dhex abuuray labadaasi beel.

Kulanka oo ahaa mid weyn ayaa waxaa lagu qabtay Moolaca Sheikh Maxamuud Celi ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in Khilaafkii ka dhexeeyay labadaasi beel laga gaaray xal.

Heshiis kadib ayaa waxaa madasha Baaq wada jir ka diray Culimada labada Beelood ee wada Daga Degmooyinka Warshiikh Iyo Balcada ee uu Dhibku Dhexmaray dhawaantan waxa ayna si wadajira ah Beelahaasi ugu baaqen in la joojiyo Dagaalada Isla Markaan Gogasha Nabada la iskugu yimaado.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa goobta ka hadlay Culimo uu kamid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi oo ka mid ah Mashaa’iqda ka soo jeeda Gobalka Sh/Dhaxe waxa uuna sheegay in ay nasiibdaro tahay dhibka halkaas ka taagan ee ay wadaan dad aan Maankooda iyo aqligoodu ku filnayn.

Odayaasha Dhex dhexaadinta ka dhex waday labada beel ayaa waxa ay kala ahaayen:

1-Sheekh Muuse Cali Xuseen Maracadde

2-Sheekh Cumar Nuur Cumar

3-Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Axmed Shiikh Cabdi

4-Sheekh C/Rashiid Xuseen Cadde

5-Khaliif C/Raxmaan Shiikh Cali Shiikh Muuse

6-Sheekh Nuur Owcumar Absuge

7-Sheekh Cabdullahi Shiikh Muxudiin Raage

8-Sheekh Axmadeey Shiikh Abuukar

9-Sheekh Jire Shiikh Cali Cabdulle

10-Sheekh Maxamed Xuseen Macaoow

11-Macalin Cali Cumar Bulow

12-Sheekh C/Llahi Macalin Kuulow

13-Sheekh Daa,Uud Shiikh Maxamuud

14-Sheekh Xasan Macalin Koofi

15-Dr Shiikh Sharfiif Sheekh Muxudiin
2

3

4

5

6

7