Tarsan oo soo bandhigay 3 Hay’adood hoostaga DF SOMALIA oo haddana hal gacan ku wada jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna duqii Magaalada Muqdishi, Mohamud Ahmed Nur Tarsan, ayaa ka hadlay Siyaasada is barbaryaaca ah ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay faraha kula jirto howlo aan loo dirsan, halka ay ka mashquushay howlihii laga rabay.

”Waxaan garan lanahay meesha uu dalku ku socodo, waxaad u maleysaa in ay jirto jahwareer Siyaasadeed, Amnigii oo gacanta ka sii baxaya, dhaqaalihii oo burburey, dhamaan waxaa sabab u ah Madaxda Qaranka DF Somalia oo iyagu howshii laga rabay kusoo koobay urur diimeed iyo nin jecleysi”

Waxa uu sheegay in Dowlada iminka jirto ay cuuryaamisay dhamaan Hay’adihii loogu tallo galay inay sara qaadan Nidaamka iyo shuruucdii lagu dhisi lahaa dalka.

Hay’adaha la cuuryaamiyay ayuu ku kala sheegay:

1- Hay’adii Sharci dejinta oo la rabey in ay Xukuumada ku ilaaliso howsheeda.

2- Hay’adii fulinta oo ah Xukuumadda.

3- Hay’adii Garsoorka oo aan ku shaqeyn habkii lagu maareyn lahaa Cadaalada.

Waxa uu sheegay in dhamaan seddexdaasi Hay’adood ay ku uruureen hal gacan, waxa uuna taasi ku sheegay mid aan marnaba suuragali karin oo lagu burburinaayo aayaha shacabka Soomaaliyeed.

Tarsan waxa uu tilmaamay in Siyaasadaha ay wadaan Madaxda Qaranka aysan maslaxad ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa uuna ku baaqay in loo midoobo sidii meesha looga saari lahaa shaqsiyaadka isku beheysanaaya cuuryaaminta dalka.

Dhanka kale, waxa uu rajo beel ku tilmaamay qaabka ay dowladu u dhaqangalineyso nidaamka Federaaliisimka iyo qorshooyinkii horay u horyiilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com