25.2 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

32 qof oo ku dhintay dalka Giriigga kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Laba tareen oo isku dhacay waddanka Giriiga ayaa dilay ugu yaraan 32 qof 85 kalena waa ay ku dhaawacmeen habeenkii talaadada, sida ay sheegtay kooxda dab-damiska.

Dhacdadan ayaa sababtay shilkii tareen ee ugu dhimashada badnaa ee Giriiga muddo tobanaan sano ah ayaan weli caddayn.

Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki ayaa si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha Giriiga, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Thessaly.

Shilkan ayaa sababay in uu dab ka kaco qeybta rakaabka ah, waxaana gubtay dad badan oo rakaab ahaa, kuwaasi oo loola cararay isbitaalada.

“Waxaan maqalnay jug weyn, (waxay ahayd) 10 ilbiriqsi oo qarow ah,” ayuu yiri Stergios Minenis, oo ah 28 jir ka mid ahaa rakaab oo ka badbaaday shilkan.

1972, 19 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba tareen ay isku dhaceen meel ka baxsan Larissa.

- Advertisement -

Read more

Local News