Dowladda Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Cali Dheere-ha Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul dhigtay madaxa afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere.  

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay Cali Dheere.  

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

Cali Dheere waxa uu ku dhashay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho 1966-kii, wuxuuna qeyb ka ahaa qorsheynta weeraro badan oo laga fuliyey Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. 

Bishii August 6, 2021, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Cali Dheere ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee loo yaqaan (SDGT). Ku daristaas ayaa ka dhigtay in la xanibay dhammaan hantida Cali Dheere, lana mamnuucay in lala macaamilo. 

Bishii Febraay 18-keedii 2022, Guddiga Cunaqabataynta Golaha Ammaanka QM ayaa Cali Dheere ku daray liiska xayiraadda, ayada oo lagu eedeeyey falal halis ku ah nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Liiska QM ayaa dalalka xubnaha ka ah ku qasbaya inay xayiraad hub iyo mid maaliyadeed saaraan Cali Dheere, islamarkaana hakiyaan dhammaan hantidiisa. 

Mareykanka ayaa horey sidan oo kale malaayiin dollar u dul dhigay xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Dowladda Mareykanka ayaa 5-tii Janaayo 2023 waxay 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.