“In Muqdisho na lagu dhex rasaaseeyo Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka dambeeya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cusmaan oo ku magacdheer (Xildhibaan Faliije ) ayaa ka hadlay tacadiyo uu sheegay in maanta loogu dhex geystay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Faliije, ayaa sheegay in tacadi maanta ay u geysteen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaa oo uu tilmaamay inay ula dhaqmeen sida qof shacab ah.

Waxa uu sheegay in tacadiyadaasi uu la kulmay xili uu kusii jeeday xarunta Golaha shacabka baarlamaanka Somalia oo uu ka dhici lahaa kulanka baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay maanta kula dhaqaaqeen arrin aad u xun iyaga oo gaarayay in ka badan 10 xildhibaan.

“Waxa ay nagu rideen rasaas waxa ayna noo diideen ciidamadu inaan u gudubno dhanka xarunta baarlamaanka oo aan ku laheyn fadhi”.

“Waxan arrintaan u qaadanay shirqool ay noo dhigeen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo waxaanu dareemeynaa inay wax ka ogaayen falkaas”

Xildhibaan Faliije, waxa uu tilmaamay in maanta ay ku sigteen inay wada dagaalaman ciidamada waddooyinka xiray iyo kuwa ilaalada u ahaa Xildhibaano uu isaga ku jiray, isagoo eedaasi dusha k saaray Madaxda ugu sreysa dalka.

Waxa uu yiri “Runtii waa arrin foolxun wixii maanta ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda u geysteen,hadii aan ciidamadeyda ku amri laheyn in ay gaariga ku laabtaan dagaal ayaa dhici lahaa,waxana laga soo abaabulay in nala rasaaseeyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale, ciidamada dowlada oo si gaara u adkeynaayay amniga magaalada Muqdisho ayaa diiday in wixii gaadiid ahba aysan fuulin laamiyada, waxa  ayna taasi sababtay in xitaa Xildhibaanada laga celsho isticmaalka waddooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa inta badan maanta waxa ay ahaayeen kuwo xiran,waxana taasi ay sababtay in xildhibaanada qaarkood ee Golaha Shacabka ay saameyn ku yeelato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com