Arag Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulankii Farmaajo, R/W Kheyre iyo wasiiradii ETHIOPIA iyo ERITREA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta kulan wada jira la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Workneh Gebeyehu.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo isagu lahaa martigalinta iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Eriterea oo qeyb ka ahaa wafdiga ka socday Eriterea.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa wafdiga dowladaha aanu saaxiibada nahay ee Eriteria iyo Ethiopia macluumaad kasiiyay isbedelada ay ku talaabeyso Somalia sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga, Horumarka  iyo Siyaasada.

Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda.

Waxa ay ka wadahadleen horumarinta qodobadii heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika.

Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal.

Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo rajada dib u soo kabashada Qarannimada Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa booqashadooda maanta kor ugu qaadayay iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya Seddaxda dawladood iyo sii wadidda hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee Madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.